Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dhimashada ka dhalatay diyaarad ku burburtay Filibiin oo korodhay

Dhimashada ka dhalatay diyaarad ku burburtay Filibiin oo korodhay

Wararka naga soo gaaraya dalka Filibiin ayaa sheegaya in ay dhinteen ugu yaraan 29 qof halka 50 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay burburtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada militariga ee wadankaasi.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee Filibiin ayaa xaqiijisay in dhacdadan laga soo tabiyay dhanka Koonfureed.
Waxay wasaaraddu xustay in diyaaradda ay siday 92 qof iyadoo dhanka kale beenisay in burburkeeda uu salka ku hayo weerar lala eegtay.
Diyaaradda oo ahayd C-130 ayaa soo dhacday xilli ay doonaysay inay ku degto jasiiradda Jolo oo masaafo dhan 1000 kiiloomitir dhanka Koonfurta kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Manila.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shilka uu yimid ka dib markii ay ka baxday khadkii hawada ee loogu talagalay waxaana hadda socdo howlaha gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments