Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Ruto: Kenyaanka ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee hoggaanka dalka

DHAGEYSO:Ruto: Kenyaanka ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee hoggaanka dalka

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo kulan la qaatay wakiillada deegaanada hoose ee ismaamullada bartamaha dalka ayaa sheegay in go’aanka ugu dambeeyay ee la xiriira cidda wadanka madaxweyne ka noqonayso uu yahay mid ay qaadanayaan keliya codbixiyayaasha.
Waxaa uu xusay in kastoo la sheego in ay jirto adeegsiga awood dowladeed balse taasi aynan waxbo ka beddeli karin rabitaanka shacabka.
Wakiillada ayuu ka codsaday in ay sare u qaadaan ololihiisa doorasho ee sanadka 2022-ka.
William Ruto oo ka mid ah mas’uuliyiinta dhaliilsan qorshaha sharci beddelka ee BBI ayaa sheegay in hadii uu talada wadanka kala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta uu si gaar ah diiradda u saari doono la tacaalidda saboolnimada.
Waxaa uu intaa ku daray inuu mudnaanta koowaad siin doono taageeridda ganacsatada yaryar si ay dhaqaale ahaan isugu filnaadaan oo ay u wanaajiyaan nolosha qoysaskooda.

Dhanka kale xilli uu maanta ku sugnaa xaafadda Umoja ee magaalada Nairobi ayuu gaashaanka u daruuray eedeyn uga timid madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ku aaddanayd lacagaha uu ku wareejiyo kaniisadaha dalka.
Waxaa uu sidoo ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Mr. Odinga oo ahaa in hadii uu madaxweyne noqdo uu xabsiga dhigi doono mas’uuliyiinta musuqmaasuqa ku lugta leh.

Raila ayaa ballanqaadkiisa ah inuu xirayo saraakiisha dowladda ka tirsan ee lagu eedeyo falalka wax isdaba marinta sidatan u dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments