Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Mudavadi oo walaac ka muujiyay in dad badan aan loo diiwaangelin doorashada...

DHAGEYSO:Mudavadi oo walaac ka muujiyay in dad badan aan loo diiwaangelin doorashada guud

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay inay tahay arrin walaac leh in tirada dadka aan la diiwangelin si ay uga qayb qaataan doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay sarreyso.
Mudavadi ayaa xusay in tan iyo sanadkii 2017-ki , guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu diiwaangeliyay keliya 100,000 oo ah codbixiyayaal cusub in kastoo sida uu hadalka u dhigay qiyaastii 5 milyan oo Kenyaan ah ay heleen aqoonsiga qaran.
Waxaa uu guddiga IEBC u soo jeediyay inuu guda galo barnaamij lagu diiwaangelinaya codbixiyayaal dheeraad ah .
Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ayuu ka codsaday in ay diiradda saarto sidii Kenyaanka codsiyada dirsaday ay ku heli lahayeen sharciga wadanka.
Madaxa ANC ayaa dhanka kale sheegay inuu tixgelin doono go’aanka ka soo baxo maxkamadda racfaanka ee ku aaddan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu sido kale ballanqaaday in hadii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto xilka madaxtinimo ee dalka uu yareyn doono canshuurta iyadoo si weyn loola dagaalamaya musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments