Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Aadan Barre oo dhaliilay soo jeedin ah in qaadiga guud ay haweeney...

DHAGEYSO:Aadan Barre oo dhaliilay soo jeedin ah in qaadiga guud ay haweeney noqoto

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township horayna u soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa cambaareeyay soo jeedin dhawaan soo baxday oo ahayd in haweenka fursad loo siiyo in ay qabtaan xilka qaadiga guud ee wadanka.
Waxaa uu sheegay in taasi aynan suuragal ahayn oo aynan marnaba ogolaan doonin.
Aadan Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in diinta islaamka ay kala caddeysay shaqooyinka ragga iyo haweenka sidaas awgeedna aan loo baahneyn faragelin.
Waxaa uu xusay in hadii madaxa cadaaladda ee dalka ay noqotay haweeney lagu magacaabo Martha Koome aynan micnaheedu ahayn in xilka qaadiga guudna loo dhiibi karo qof dumar ah.
Waxaa uu sheegay inay Khasab tahay in soo jeedin kasta oo diin ku saabsan lagala tashado culimada ka hor inta aan la soo bandhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments