Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo kalsooni ku qaba in BBI wadada saxda kusoo laaban...

DHAGEYSO:Raila Odinga oo kalsooni ku qaba in BBI wadada saxda kusoo laaban doonto

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa kalsooni kuqaba in qorsha sharci beddelka ee BBI uu wadada saxda ah kusoo laaban doono ka dib marka maxkamadda racfaanka ay go’aan kasoo saarto bisha dambe.
Shalay ayay ahayd markii madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka Daniel Musinga u sheegay in xukunka dacwadda la xiriirta qorshaha sharci beddelka ee BBI lagu dhawaaqi doono 20-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
13-kii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii 5 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare ee dalka ay a laaleen BBI.
Xaakinada ayaa xilligaasi sheegay in BBI lagu soo aasaasay qaab aan waafaqsanayn dastuurka dalka .
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in cidna aysan joojin karin geddisocodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli u shalay ku sugnaa ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments