Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:14 qof oo lagu eedeeyay in ay Gaarisa ku iibinayeen taleefoono been...

DHAGEYSO:14 qof oo lagu eedeeyay in ay Gaarisa ku iibinayeen taleefoono been abuur ah oo la qabtay

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Gaarisa ayaa gacanta ku dhigay 14 qof oo eedeysnayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya in taleefoonada gacanta ee been abuur ah iyo waxyaabaha kale oo elektarooniga ay dadka kaga iibin jireen magaalada Garissa .
Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee laanteeda Garissa ayaa eedeysanayaashan gacanta ku soo dhigay ka dib markii dadka deegaanka ay cabashadooda arrinkan ku aadan u soo gudbiyeen laamaha amaanka.
Eedeysanayaasha ayaa kasoo kala jeeda ismaamullada Kitui iyo Meru.
Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari David Bunei ayaa ku boorriyay dadka cabashada qaba oo in ay yimaadaan saldhigyada booliska si warbixin looga qoro.
Waxaa uu intaa ku daray in saraakiisha DCI-da ayaa baaritaano kuwadaan taleefoonada been abuurka ee eedeysnaayaasha dadka ku khiyaani jireen.
Mr. Bunei ayaa sidoo kale ku boorriyay waalidiinta inay ka taxadaraan caruurtooda waqtigan oo ay kiisaska caruurta la la’yahay iyo afduubka soo bateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments