Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Tababar ku saabsan la tacaalidda tahriibka oo la soo gabagabeeyay

Tababar ku saabsan la tacaalidda tahriibka oo la soo gabagabeeyay

Agaasime ku xigeenka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. Joseph Ashimala ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar socday saddex cisho oo dooradda lagu saarayay wax ka qabashada musaafurinta dadka.
Tababarka ayaa ka dhacay akadeemiyada DCI ee magaalada Nairobi.
Mr. Ashimala ayaa tababarka ku tilmaamay mid heer sare ah waxaa uuna sheegay in ay nasiib darro tahay in ay kordheen kiisaska afduubka iyo tahriibka ee qaybaha dalka.
Hasa ahaate waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in howlgallo socdo oo ay iska kaashanayaan maamullo kala duwan dhawaan lagu soo afjari doono dhibaatooyinkan.
Dhanka kale waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in la qabtay koox burcad oo ka kooban 5 kuwaasoo lagu eedeyay inay ka wada shaqeyeen qorsho ay doonayeen inay ugu dhacaan bangiga Prime Bank laantiisa OTC ee Nairobi.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Charles Mulo, Fredrick Muderwa, Jesse Muriuki, Gabriel Mungai iyo Reuben Njuka.
Waxaa galinkii hore ee maanta gacanta ku soo dhigay saraakiisha dambi baarista iyo booliska saldhigga deegaanka Kamukunji .
Waxaa howlgalka lagu soo helay agab kala duwan oo ay rabeen in ay falka dhaca ah u adeegsadaan.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee Kamukunji ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments