Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo dad ku dhintay

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo dad ku dhintay

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayad ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.
Ruuxa ayaa la sheegay inuu Qaraxa fuliyay xilli dad badan oo shacab ah ay goobta fadhiyeen.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in Qaraxa uu ka dhacay Maqaayad ay fadhiistaan dad badan oo ah kuwo isticmaala qaadka.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa, Ciidamada Ammaanka ayaa xiray Goobta, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano hor dhac ah.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 5 qof halka 10 kalena ay dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments