Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Guddiga doorashooyinka dadban Soomaaliya oo doortay guddoomiye KMG ah

Guddiga doorashooyinka dadban Soomaaliya oo doortay guddoomiye KMG ah

Kulan rasmiya oo ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.
Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada guddoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4- bishaan ee July-2021.
Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments