Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gideon Moi oo billaabay olole siyaasadeed

Gideon Moi oo billaabay olole siyaasadeed

Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa billaabay olole ku aaddan xoojinta taageerada xisbiga ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu Gideon Moi ololahan ka wadaa ismaamulka Kiambu ee bartamaha dalka halkaasi oo uu kulan wada tashi ah la yeeshay 6 ka mid ah wakiillada deegaanada hoose.
Waxaa uu sheegay in wada hadalo wax ku ool ah ay yeesheen isaga iyo hoggaamiyaasha Kiambu iyo mas’uuliyiinta xisbiga KANU.
Senatarka ayaa sheegay in madaxda shiray ay ku heshiiyeen in ay si buuxda u wada shaqeyaan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in la sii wadaya dadaallada lagu garab istaagaya Jubilee ka hor doorashada ku celiska ee la filayo in ay 15-ka bishan ka dhacdo deegaanka hoose ee Kiambaa Kariri Njama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments