Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka urrurka wadamada Carabeed Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka qaranka.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareedka iyo isu soo dhawaanshaha la Xiriira in dalkaasi ay Doorasho la isla ogol yahay ka dhacdo si hore loogu dhaqaaqo.
Waxaa uu intaa ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalkaasi.
Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka inay taageeraan wadanka Soomaaliya si looga miradhaliyo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo lagu wada Kalsoon yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments