Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ammaanka Samburu oo aad loo adkeeyay ka dib markii ay kordheen dhaca...

Ammaanka Samburu oo aad loo adkeeyay ka dib markii ay kordheen dhaca xoolaha

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Samburu Cabdrisaaq Jaldesa ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka aad loo adkeeyay ka dib markii ay kordheen kiisaska la xiriira xatooyada xoolaha.
Waxaa uu sheegay in dowladda ismaamulka Samburu ay laamaha ammaanka kala shaqaynayso sidii loo yareeyn lahaa ugu dambeyna loo cirib tiri lahaa amni darrada gaar ahaan dhaca xoolaha ee bariga Samburu iyo guud ahaan dowlad deegaankaasi.
Mr. Jaldesa ay carabka ku dhuftay in gobolka ay ku soo badanayaan kiisaska amni darrada, islamarkaana dadka deegaanka ay lo’dooda bulshooyinka deriska la ah ay dhacaan.
Waxaa uu xusay in dhaca xoolaha laga geysto inta u dhaxeysa ismaamullada Samburu iyo Isiolo.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Samburu ayaa dhanka kale sheegay inuu kulamo la qaadanayo hoggaamiyaasha bulshada iyo burcadda inta badan loo adeegsado fulinta falalka foosha xun.
Waxaa uu intaa ku daray in burcadda ay u baahan yihiin tilmaamo si looga hortago inay ku mashquulaan dhaca xoolaha.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la adeegsado talaabooyin aan horseedeyn khilaaf.
Sida laga soo xigtay guddoomiyaha dowladda dhexe ee ismaamulka Samburu waxaa socdo dadaallo lagu soo celinayo 31 weylo ah oo laga dhacay dadka deegaanka.
Waxaa uu bulshada ku boorriyay inay nabad ku wada noolaadaan waqtigan adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments