Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Militariga Bangladesh oo dhaqangelinaya xayiraadaha COVID19

Militariga Bangladesh oo dhaqangelinaya xayiraadaha COVID19

Dowladda dalka Bangladesh ayaa lagu soo warramayaa in ay howlgelisay ciidamadeeda difaaca si ay qayb uga noqdaan xaqiijinta u hoggaansanka tallaabooyinka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Militariga iyo booliska ayaa lagu amray in ay dadka u diidaan inay guryahooda ka soo baxaan hadii aynan jirin xaalad degdeg ah sida soo iibsashada waxyaabaha daruuriga.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wadankaasi ay maanta ka billaabatay xayiraad jiri doonto hal isbuuc.
Waxaa istaagaya howlaha xafiisyada iyo gaadiidka marka laga reebo adeegyada muhiimka ah.
Ciidamada booliska ee caasimadda Bangladesh ee Dhaka ayaa warfidiyeenada u sheegay in qofkii gurigiisa ka soo baxo sabab la’aan ganaax la saaraya oo ayna suuragal tahay in la xiro.
Taliyaha booliska ee magaalada Dhaka Shafiiqul Islaam ayaa xusay in hadii ay dantu keento in maalinkii 5000 oo qof la xiro ay sameynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments