Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dhinacyada ka soo horjeeda BBI oo maanta maxkamadda ka soo...

Dhinacyada ka soo horjeeda BBI oo maanta maxkamadda ka soo hormuuqday

Waxaa maalinkii saddexaad maxkamadda racfaanka ee dalka ay dhageysatay dacwado ku saabsan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Qareenada matalaya dhinacyada doonaya in aan qorshahan lagu tallaabo qaadin ayaa maanta fursad la siiyay.
Garyaqaanada ayaa ku dooday in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uusan isagoo adeegsanaya awoodiisa billaabi karin olole wax looga beddelaya xeerarka wadanka.
Waxay sheegeen in madaxweynaha laga doonayo inuu xilka wareejiyo si uu qof muwaadin ahaan uu qayb uga noqdo qorshaha BBI ee ay iska kaashanayaan isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Toddobo garsoorayaal oo uu hoggaaminayo madaxa maxkamadda racfaanka Daniel Musinga ayaa dacwadaha la horgeeyay dhageystay si ay u ayidaan ama waxba kama jiraan uga soo qaadaan amarkii 13-kii bishii shanaad ee sanadkan ay maxkamadda sare ku laashay BBI oo ay ku tilmaantay sharci darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments