Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rw Rooble, madaxda maamullada iyo mucaaradka oo kulan yeeshay

Rw Rooble, madaxda maamullada iyo mucaaradka oo kulan yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye u sameeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo qaar ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.
Kulankaan ayaa yimid ka dib markii la soo gebo-gabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka, kaasoo laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka Soomaaliya.
Madaxda ayaana Kulankii Xalay iska xog wareystay xaaladda dalka, dardar gelinta arrimaha doorashooyinka iyo sidii qof walba uu uga qeyb qaadan lahaa hirgalinta Doorasho lagu wada Kalsoon yahay oo wadanka ak dhacda Xilliga loo Qorsheeyay.
Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay dhamaantooda dhawaan dib ugu laabtaan degaannadooda si ugu diyaar garoobaan arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments