Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo dadaal ugu jirto soo saaridda daawooyinka tallaalka

Kenya oo dadaal ugu jirto soo saaridda daawooyinka tallaalka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay qaaday wadadii ay ku soo saari lahayd daawooyinka tallaalka ee xanuunada kala duwan kuwaasoo lagu sameynaya gudaha wadanka.
Xilli uu shalay jeediyay khudbadii 16-aad oo ku saabsan cudurka COVID19 ayuu hoggaamiyaha wadanka sheegay in la joogo xilligii laga kaaftoomi lahaa taageerada wadamada kale.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in qorshaha fog ay qayb ka tahay in la furo xarun lagu soo saaro tallaalka uu u baahan yahay aadanaha si loola tacaalo xanuunada kala duwan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo gudaha wadanka uu hadda ka socdo tallaal ka dhan ah xanuunka jadeecada oo lagu bartilmaameedsanaya carruurta ay da’doodu ka hooseyso shan sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments