Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dhageysiga dacwado la xiriira BBI oo maalinkii labaad galay

Dhageysiga dacwado la xiriira BBI oo maalinkii labaad galay

Waxaa maalinkii labaad maxkamadda racfaanka ee dalka ka socdo dhageysiga dacwado looga soo horjeedo go’aankii ay 13-kii bishii hore 5 ka mid ah garsoorayaasha wadanka waxba kama jiraan kaga soo qaadeen qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa dacwadaha dhageysanaya toddobo xaakin oo uu hoggaaminayo madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka Daniel Musinga.
Qareenada matalaya dowladda dhexe, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo xoghaynta sare ee BBI ayaa xaakiinada ka socday in ay dhinac iskaga dhigaan amarkii maxkamadda sare.
Xeer ilaaliyaha qaranka Mr.Paul Kihara Kariuki ayaa dhankiisa ku doodaya in maxkamadda sare aynan awood u lahayn in ay ka hadasho arrimaha xuduudda deegaanada iyo soo jeedinta ah in la sameeyo 70 deegaan doorasho oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments