Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Waqtika ay dhacayso doorashada madaxtinimada dalka Somalia oo la shaaciyay

Waqtika ay dhacayso doorashada madaxtinimada dalka Somalia oo la shaaciyay

Doorashada Soomaaliya iyo go’aano ay ku gaareen shirka arrimaha doorashada ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa maanta Jadwalka cusub ee doorashada ee lasoo saaray dhigaya in doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo 10-ka October 2021.
jadwalka guud ee la soo saaray ayaa sidatan ah
1- Tababarka iyo doorashadda guddoonka guddiyada doorashadda ayaa dhacaya 30 June – 05 July 2021.
2- Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ayaa lagu soo geba-gebeynayaa illaa 23-ka July 2021.
3- Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la qoondeeyey in la qabto 25-ka July 2021.
4- Soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorashadda ee u codeynaya xildhibaanada golaha shacabka, ayaa lagu soo geba-gebeynayaa 15 July – 10- August 2021.
5- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa dhaceysa 10 August – 10 September 2021.
6- Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dhacaya ugu dambeyn 20-ka September 2021.
7- Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaceysa 10 October 2021.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhanka kale sheegay in ayada oo uu tixgelinayo codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, uu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments