Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila Odinga oo ku sugan Itoobiya

Raila Odinga oo ku sugan Itoobiya

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa uu halkaasi kaga qayb galayaa shir ku saabsan mashruuca horumarinta ee loo yaqaano LAPSSET.
Kulanka ayaa lagu qiimeynayaa waxyaabaha ilaa iyo hadda qabsoomay ee la xiriira barnaamijkan.
Mr. Odinga oo ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka ayaa sheegay inuu mas’uuliyiinta kala duwan ee shirka ka qayb galaya uu la yeeshay wada hadallo wax ku ool ah.
Mashruuca LAPSSET ayaa ah midka ugu wayn ee bariga Afrika waxaa uuna isku xirayaa wadamada Kenya, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.
Waxaa uu ka kooban yahay ilaa toddobo qayb oo la xiriira adeegyada waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments