Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Gaari nooca xabbada aan karin oo la geeyay Baladweyne

Gaari nooca xabbada aan karin oo la geeyay Baladweyne

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa maanta ka degtay diyaarad siday gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet Proof Car.
Gaarigaan oo diyaaradda ka qaaday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
Warar la helayo ayaa sheegaya in gaariga aan xabbada karin ee Buruufta ay dowladda Federaalka geeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isla markaana loogu tala-galay inuu adeegsado Yuusuf Daba-geed.
Lama oga sababta xiligaan keentay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet Proof (Car) ku wareejiso Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geedoo ku sugan Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments