Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Caqabado ku hor guduban shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya

Caqabado ku hor guduban shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya

Waxaa weli hakad kujira oo aan Furmo shirkii ay ku balan sanaayeen inuu u furmo Golaha wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shanta Maamul Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo Maalinkii Sabtidii ee aan ka soo gudubnay wuxuuna dhacay dib, balse shalay ayuu hadana markale dib u dhacay kadib markii uu shirka diiday inuu ka sooq ab galo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Warar warbaahintu Heshay ayaa waxay sheegaya in xalay ay yeesheen kulan khadkantaleefonka ahaa, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusneen Rooble, Madaxweynaha Galmudug oo wada jooga iyo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiga, waxaana kulanka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo isagu shirka Tabasho ka Muujiyay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Roible ayaa hadda dadaal ugu jira qabsoomida shirka si loo bilaabo dardar gelinta howlaha doorashooyinka wadanka oo horay Khilaaf ka dhex taagnaa Madaxda dalka Soomaaliya ugu Sarreysa uu Dib u dhac ku keenay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments