Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya SAWIRRO:Eedeysanayaal lala xiriirinayo afduubkii Xafso Maxamad Luqmaan oo ...

SAWIRRO:Eedeysanayaal lala xiriirinayo afduubkii Xafso Maxamad Luqmaan oo la soo qabtay

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in howlgallo laga sameeyay deegaanka Kinangop ee ismaamulka Nyandarua gobolka bartamaha dalka lagu soo qabtay Xafso Cabdi iyo Jackson Njogu oo 24 sano jir ah.
Waaxda ayaa xustay in labadan qof lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii 15-kii bishan loo gaystay gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Xafso Maxamad Luqmaan in kastoo maalmo ka dib la soo helay.
Labada gabdhood oo saaxiibo ah ayaa la waayay maalinkaasi, waxaana tan iyo xilligaas aan wax war ah laga helin Xafso Cabdi.
Howlgalka ayaa la fuliyay aroornimadii hore ee maanta waxaana lagu bartilmaameedsaday goob ay eedeysanayaasha ku dhuumaaleysanayeen.
Hasa ahaate qoyska Xafso Cabdi ayaa horay u beeniyay in gabadhooda ay afduubka saaxibteed ku lug lahayd .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments