Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha oo magacaabay guddi shaqaaleysiinaya saraakiisha sare ee TSC

Madaxweynaha oo magacaabay guddi shaqaaleysiinaya saraakiisha sare ee TSC

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo howlgelin doono saraakiisha sar sare ee guddiga adeegga macallimiinta (TSC)
Waxaa guddigan madax looga dhigay Thomas Koyier si ay u shaqaaleysiiyaan 5 qof oo qaban doono xilalk sare ee TSC.
Xubnaha uu magacaabay madaxweynaha sida u cad wargeyska rasmiga ee dowladda ayaa kala ah Mary Gaturu, Charles Mutinda, Njoki Kahiga, Margaret Lilan Geneo, Richard Kibagendi, Hellen Hazel Misenda, Eva Naputuni Nyoike iyo Stanley Waudo .
Mas’uuliyiinta cusub ayaa marka ay shaqadoodu billaabaan beddeli doono Beatrice Adu, Mbarak Twahir, Kinoti Imanyara, Albert Ekirapa iyo Tache Gollo oo uu muddo xileedkoodu dhammaaday 19-kii bishii saddexaad ee sanadkan.
Guddiga ayaa laga doonayaa inuu diiradda saaro isku dheeli tirka dhanka jinsiyadda iyo gobollada dalka sidoo kalena uu fursad siiyo naafada.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay TSC ku biireen Jamleck Muturi oo guddoomiye ah iyo afar xubnood oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments