Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamulka Puntland oo saaka dil toogasho ku fulisay 21 Rag ah

Maamulka Puntland oo saaka dil toogasho ku fulisay 21 Rag ah

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 qof oo dhawaan lagu xukumay dil, ka dib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa sheegeen in tirada markii hore dilka lagu xukumay ay ahaayeen 17 eedeysane, hase yeeshee ay maxkamaddu dib ugu laabtay kiiska eedeysanaha kale, taas oo tirada guud dilkii saaka ka dhigeysa 18.
Labad todobaad kahor ayay ahayd markii maxkamaddu ay raggan ku xukuntay dilka.
Waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed uu sheegay markii ay go’aankan maxkamaddu ridday inuu ahaa mid caddaalad ah.
Sidoo kale waxaa Magaalada Garoowe Maanta lagu toogtay laba rag ah halka hal Ruux oo kale lagu toogtay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Ragga Maanta dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku jira rag saraakiil ah, kuwaas oo dhowr jeer wareysiyo laga qaaday ku sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen muddo badana la Shaqeeynayeen, waxaana saraakiishaas kamid ah Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri).
Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish, waxaana kuwa Maanta ay noqonayaan tiradii ugu badneyd oo ay Puntland toogato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments