Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ku qaaday degaanka...

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ku qaaday degaanka Wisil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii waaberigii hore ee maanta Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee waqooyiga Gobolka Mudug, una dhexeeya magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee Gobolkaas.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka Wisil ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab.
Waxaa uu intaa ku daray in Al-Shabaab laga hor istaagay inay qabsadaan deegaanka, isla markaana lala galay dagaal culus, isagoona tallaabadaas ku boggaadiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments