Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiye xaafadeedyo lagu xiray ismaamulka Kisumu

Guddoomiye xaafadeedyo lagu xiray ismaamulka Kisumu

Shan ka mid ah guddoomiye xaafadeedyada ismaamulka Kisumu ayaa wajahaya eedeymo ka dhan ah inay aaga Mamboleo ka samaysteen jidgooyo sharci darro ah si loo dhaqan geliyo bandowga habeenkii ee dowlad deegaankaasi kaas oo bilowday 7-da fiidnimo ilaa 4-ta arrornimo soconayo.
Bandowgan ayaa lagu xakamaynaya faafitaanka caabuqa Covid-19.
Shantan mas’uul ayaa lagu eedeeyay baad qaadasho.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay dhibaateeyeen shacabka ku nool Kisumu xilliyada bandowga.
Taliyaha booliska ee gobolka Nyanza Karanja Muiruri ayaa sheegay in madaxda la xiray ka dib markii ay cabasho u soo gudbiyeen wadayaasha gawaarida iyo mootooyiinka.
Jidgooyiinka ay dhigteen ayaa lidi ku ah tilmaamaha uu soo saaray taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Hillary Mutyambai.
Dhawaan ayay ahayd markii ay dowladda xayiraado cusub ku soo rogtay 13-ka mid ah dowlad deegaanada ku yaalla gobollada Nyanza iyo Galbeedka dalka taas oo ay ka mid tahay ismaamulka Kisumu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments