Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga Soomaaliya ee duleedka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga Soomaaliya ee duleedka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kormeer ku tagay xerada Taliska Qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb iyo fariisimaha kale ee ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha Qoorqoor oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidanka ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dhawaan ka fuliyeen deegaannada Galmudug, kuna booriyay inay sii laba jibaaraan, gaar ahaan xiligaan xasaasiga ah ee loo diyaar garoobayo doorashada dalka, si guud ahaan deegaannada Galmudug looga saari lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments