Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo sheegtay in 300 oo dhallinyaro ah ay ka soo baxeen...

Dowladda oo sheegtay in 300 oo dhallinyaro ah ay ka soo baxeen Al-Shabaab

Mid ka mid ah wargaysyada maalinlaha ee dalka oo soo xiganaya xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada ayaa ku warramaya in ugu yaraan 300 oo dhallinyaro Kenyaan ah ay iskaga soo tageen ururka Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in da’yartan ay si dhuumaaleysi ah ku galeen Soomaaliya si tababar loo siiyo balse ugu dambeyn la soo badbaadiyay.
Waxaa arrinkan ka wada shaqeeyay guddi ay xubno ka yihiin waaxyo badan iyo ururrada rayidka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadaallada dib wadanka loogu soo celiyay dhallinyarada ay socdeen in ka badan 6 bilood .
Da’yarta dhalasho ahaan ka soo jeedo ismaamullada gobolka xeebta ee isku soo dhiibay laamaha ammaanka ee Kenya ayaa badankoodu da’a ahaan ka yar 30 sano.
Canon Harun Rashid oo ka mid ah mas’uuliyiinta xarunta (NCTC) ayaa sheegay in dowladda ay si shuruud la’aan ah ku qaabishay dhallinyarada .
Waxaa uu xusay in hadda barnaamijyo talasiin ah loo fidin doono si aynan dib ugu laaban argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments