Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Shacabka Kajiado oo doonaya in sare loo qaado tacliinta ismaamullada

DHAGEYSO:Shacabka Kajiado oo doonaya in sare loo qaado tacliinta ismaamullada

Dadweynaha ku nool ismaamulka Kajiado ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qorshaha ah in musharaxiinta xilalka siyaasadeed ee sanadka 2022-ka laga doonayo in ay haystaan shahaadada Degree.
Waxay sheegeen in ay lagama maarmaan tahay ka hor inta aan sharcigan la dhaqangelin in ismaamullada kala duwan ee wadanka ay ka jirto sinnaan dhanka tayada waxbarashada ah.
Dadweynaha ayaa qabo in ay jiraan shakhsiyaad iyaga oo aan waxbarashada heer sare ka gaarin si hufan ugu soo adeegay iyo kuwo kale oo waxbartay balse aysan waxqabadkoodu ku qancin .
Shacabka ayaa soo jeediyay in tixgelin gaar ah la siiyo carruurta ku nool deegaannada xoolo dhaqatada si looga soo dhiso dhinaca waxbarashada ka hor inta aan musharaxiinta shardi looga dhigin shahaado jaamacadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments