Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasaaradda maaliyadda oo lacago ku wareejisay ismaamullada

Wasaaradda maaliyadda oo lacago ku wareejisay ismaamullada

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa lacag dhan 43.5 bilyan oo shilin ku wareejisay dowlad deegaanada wadanka.
Waxaa ismaamullada laga doonayaa in ay dhaqaalahan u adeegsadaan bixinta deymaha lagu leeyahay.
Deymaha waxaa ka mid ah kuwo aan la siin qandaraasleey iyo shakshiyaad adeegyo kala duwan u fidiyay dowlad deegaannada.
Wasiirka maaliyadda ee dalka Mr. Ukur Yatani ayaa bayaan ku sheegay in dowladda dhexe ay ismaamullada ku wareejin doonto lacagihii loo qoondeeyay in ay isticmaalaan bishii shanaad iyo bishan lixaad oo uu dib u dhac yimid.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha golaha barasaabyada wadanka ee CoG ahna hoggaamiyaha Embu Martin Wambora uu sheegay in hadii ismaamullada aan dhaqaale la siin ay hakad gelayaan adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments