Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Tartanka caalamiga ee wadidda baabuurta oo maanta Kenya ka billowday

Tartanka caalamiga ee wadidda baabuurta oo maanta Kenya ka billowday

Waxaa abaare 12:45 duhurnimo ee maanta gudaha dalka ka billaabanaya tartanka caalamiga ee darawalnimada oo loo yaqaano Safari Rally .
Tartanka oo ka dhici doono Naivasha oo ka tirsan ismaamulka Nakuru ayaa si rasmi ah loogu daahfurayaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Taliyaha waaxda taraafikada ee Nairobi Joshua Omukata ayaa gaadiidleyda ka codsaday in aynan ilaa 12-ka duhurnimo ee maanta adeegsan wadooyinka waawayn ee Thika Road iyo Uhuru Highway.
Wasiiradda cayaaraha Amina Maxamad ayaa sheegtay in ay tahay arrin lagu farxo in 19 sano ka dib qaaradda Afrika gaar ahaan Kenya lagu qabanaya tartankan.
Waxay intaasi ku dartay in si buuxda loo raacayo amarrada dowladda dhexe ay ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID19.
Tartanka oo maanta billaabanaya ayaa socon doono ilaa 27-ka bishan oo ku beegan maalinka Axadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments