Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaanka Kamukunji oo ka hadlay dhacdooyinkii afduubka ahaa

DHAGEYSO:Xildhibaanka Kamukunji oo ka hadlay dhacdooyinkii afduubka ahaa

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay baaritaano ku hayaan sababta ka dambeysa falalkii afduubka ahaa ee dhawaan saameeyay deegaanka.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Star ayuu ku sheegay in dhibaatooyinkan uu kala hadlay mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga wadanka si xal waara loogu helo.
Talooyinka uu soo jeediyay waxaa ka mid ah in isku shaandheyn lagu sameeyo ciidamada amniga ee ka howlgalo deegaanka.


Xildhibaan Yussuf Xasan oo wariyahayaga Cabdinuur Cali uu weydiiyay dadaalka uu sameeyay ee ku aaddan in la soo badbaadiyo gabadh ka mid ahayd afartii la waayay ayaa ku jawaabay.


Mudanaha deegaanka Kamukunji ayaa sidoo kale warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay qorshaha u degsan ama barnaamijyada socdo ee lagu dayactiraya waddooyinka ,adeegyada korontada iyo waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments