Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhexeya

Kenya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhexeya

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay sare u sii qaadi doonto iskaashi dhanka horumarka ah ee kala dhexeya wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Ka dib kulan dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa golaha Midowga Yurub Charles Michel, ayaa lagu dhawaaqay wada hadal istaraatiij ah oo dhinacyadan u dhexeya.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Charles oo ku kulmay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegay in ay ka wada shaqayn doonaan arrimo badan oo ay dani ugu wada jirto shacabka Kenya iyo kuwa ku nool dalalka qaaradda Yurub.
Madaxa golaha Midowga Yurub ayaa carrabaabay in Kenya ay tahay saaxiib dhow marka la eego bariga iyo geeska Afrika gaar ahaan xoojinta amniga.
Waxay horay labadan dhinac uga wada shaqeynayeen oo ay doonayaan in ay sii xoojiyaan la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada , dimuqraadiyadda, amniga , ganacsiga iyo arrimaha xuquuqul aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments