Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliska magaalada Jowhar oo amaro ka soo saaray amniga

Booliska magaalada Jowhar oo amaro ka soo saaray amniga

Taliska booliska magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ayaa soo saaray amar la xiriira dhanka amniga maadaama ay soo dhawdahay maalmaha xoriyadda.
Laba xidigle Cali Muuse Axmed oo ka tirsan booliska magaalada Jowhar ayaa sheegay in amniga guud ee magaalada uu yahay mid wanaagsan haatana ay qorsheynayaan inay si xoojiyaan.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu ku amrayo dadka leh goobaha Ganacsiga ee Magaalada Jowhar in qof walba uu goobtiisa horteeda ku xiro Calanka Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Magaalada Jowhar ay mamnuuc ka tahay in lagu dhex-wato gawaarida leh muraayadaha madow ee Neensalka, waxaana uu ku amray darawalada Gaadiidka inay ka fujiyaan, cidii amarkaas qaadan weysana ay tallabo sharci ah ka qaadi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments