Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in tababar loo bilaabo

Guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in tababar loo bilaabo

Xubnaha gudiyadda doorashoyyinka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay soo xaroodaan ugu danbayn maalinta Khamista si loogu bilaabo tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.
Arrinkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday kooxda farsamada arrimaha doorashooyinka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa sheegay in mudo todobaad ah uu Guddiyada tababarka u socon doono kadibna ay iska dhex dooran doonaan guddoonkooda.
Waxaa uu guddoomiyaha xusay in intaasi kadib ay guda geli doonaan howlhoda doorashooyinka, iyaga oo ka bilaabi doona degaannada dowlad Goboleedyada dalka kajira iyo Gobolka Banaadir si loo qabto doorasho loo dhan yahay.
Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banana oo sharci ahaan soo saari lahaa Xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana bari doono sida ay u Shaqeyn lahaayeen.
Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka Soomaaliya ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda magaalada Muqdisho & gobolada dalkaasi ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments