Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Arday dhan 40 kun oo maanta Imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland

Arday dhan 40 kun oo maanta Imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland

Imtixaanka Shihaadiga Dugsiyadda Sare ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday degaanada maamulka Somaliland sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
Ku dhawaad 40,000-kun oo arday ayaa maanta si rasmi ah ugu fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasarada afraad dugsiga sare iyo sideedaad dugsiga hoose dhexe.
Amarkii Puntland ee siddeeddii bishan ay imtixaankaasi kaga mamnuucday gobolka Sanaag ayaana hirgelin, waxaana imtixaanka uu ka socdaa gobolka Sanaag.
In ka badan 200 oo goobood ayuu ka dhici doonta Imtixaanka, waxaana daahfuray Masuuliyiinta Somaliland.
Imtixaanka Somaliland ayaa sanadkii hore hal maalin dhacay sababo la xariira cudurka Karoonaha oo xoogganaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments