Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qoor Qoor oo magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada

Qoor Qoor oo magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Xafiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen rooble u soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay.
Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka, waxaana Xubnaha uu soo Magacaabay Madaxweynaha Galmudug ay kala yihiin.
1- Yahye Cismaan Gedi
2- Mahad Abdullahi Mahamud
3- Hawo Adan Yare Culusow
Guddiga Xalinta Khilaafaadka
4- Ayan Abdirahman Mahamud
Horay waxaa Gudiyada doorashada u soo gudbiyay, Gudoomiyaha Aqalka Sare ,Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed, waxaana Galmudug ay aheyd Maamulkii ugu dambeeyay ee soo gudbiya.
Midowga Musharixinta ayaa cabasho ka keenay gudiyada doorashooyinka ee dowlad Goboleedyada soo Magacaabeen in kan madaxtooyda laga Magacaabay, waxaana guddi loo saaray ay ka sareen liiska 34 Xubnood, kuwaas oo kuwii lagu bedelay in dhamaan Xubnaha Gudiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dwlad Goboleed uu Ra’iisul Wasaare Rooble Wareegto kusoo Magacaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments