Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Muuse Biixi oo kulan la qaatay 17 Xubnood ee Golaha Degaanka...

Muuse Biixi oo kulan la qaatay 17 Xubnood ee Golaha Degaanka Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan dardaaran iyo duco ah la qaatay 17-ka xubnood ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee ay maanta iska dhex doorteen.
Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenku, ayaa qaabilay xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa oo doortay Maayar iyo ku-xigeen, waxa uu si guud u hambalyeeyey mudaneyaasha cusub ee goleyaasha deegaanka dalka loo doortay, isaga oo si gaar ah u carrabaabay maayarka iyo ku-xigeenka caasimadda Hargeysa ee loo doortay,
“Dhammaanba goleyaasha deegaanka ee soo baxay waan hambalyeynayaa, kuwa caasimaddana maaddaama oo aad ii dhawdihiin waan idin hambalyeynayaa, maayarka iyo ku-xigeenka la doortayna waan hambalyeynayaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa kula dardaarmay inay isku duubnaadaan mudaneyaasha cusub ee caasimadda, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf gelin kara, waxana uu yiri.
“Sidaa aad u wada socotaan ee quruxda badan oo qalbiga ah baa la idinka rabaa, 17-kiinnaas baa xilkii caasimadda Hargeysa la saaray, dadku way idiin codeeyeen, way idiin soo daaleen, rejo badan bayna idinka qabaan, Ilaahay waxan ka baryayaa inay rejadaasi rumowdo oo idiin dhib yaraato, dardaarankayguna waxa weeye xilkaa idin fuulay waxaad ku gaari kartaan guul idinkoo u shaqeeya hab dawladeed, hab midaysan iyo hab xafiis oo aad u wada dhan tihiin, khilaafkiinnuna ha ahaado meelaha doodaha dhexdiinna ah iyo shirarkiinna oo aan dibadda u bixin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments