Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo ku baaqay in dowladda ay si buuxda u...

DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo ku baaqay in dowladda ay si buuxda u taageerto xoolo dhaqatada

Guddoomiyaha guddiga suuq gaynta xoolaha nool ee dalka sidoo kalena ka mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa dowladda dhexe iyo ismaamullada ka codsaday in ay dhaqaale u qoondeyso barnaamijyada lagu garab istaagaya bulshooyinka xoolo dhaqatada ah.


Waxaa uu mar kale soo dhaweeyay tallaabadii dib u habeynta loogu sameeyay laguna furay warshadda hilibka dalka ee KMC hasa ahaate waxaa uu soo jeediyay in reer guuraaga laga iibsado xoolaha
Guddoomiyaha ayaa xusay inuu jiro barnaamijka caymiska xoolaha balse inta badan aan laga faa’iidaysan isagoo tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in qorshahan la iska diiwaangeliyo


Waxaa uu sidoo kale ka hadlay miisaaniyad sanadeedkii maalmo ka hor wasiirka maaliyadda Ukur Yatani uu ka hor akhriyay baarlamaanka


Ugu dambeyntii Dubat Cali Camey ayaa dowladda ka codsaday in ay mamnuucdo in Kenya dibadda laga soo geliyo haragga xoolaha ee laga soo saaro waxyaabaha kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments