Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada Xoogga oo sheegay inay Dileen Boqolaal shabaab ah

Ciidamada Xoogga oo sheegay inay Dileen Boqolaal shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab.
Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryahan ka wadey furimo kala duwan.
Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciidamadoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab, kaasoo u qaabilsanaa dhanka saadka.
Dhawaanahan ayey dowladdu waxey ka wadey hawlgallo balaaran qeybo kamid ah gobolada, hawlgaladan ayey ka fulisay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degmada Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen bakhaar ku yaalla tuulada War Ciise oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay Al Shabaab u isticmaali jireen keydinta hubka iyo shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments