Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 120,000 oo qaatay tallaalka labaad ee COVID19

In ka badan 120,000 oo qaatay tallaalka labaad ee COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa tirada dadka ee markii labaad laga tallaalay cudurka COVID19 ku sheegtay 128,744 qof.
37,918 oo ka mid ah tiradan waa howlwadeenada caafimaadka,34,269 waa dadka ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka wayn , macallimiinta (13,673 ), saraakiisha ammaanka ( 8,958) halka 33,926 ay yihiin qaybaha kale ee bulshada.
Sidoo kale waxay wasaaraddu shaacisay in wajigii koowaad ee tallaalka ka dhanka ah COVID19 ay ka faa’iidaysteen ku dhawaad hal milyan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo laga soo billaabo bishii saddexaad ee sanadkii hore gudaha wadanka laga xaqiijiyay xaaladaha caabuqa corona oo gaaraya 175,681.
Waxaa cudurka ka caafimaaday 120,359 halka 3,421 qof ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments