Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Axmed Madoobe iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan wada qaatay

Axmed Madoobe iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan wada qaatay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ambassador James Swan.
Wafdiga ayaa waxaa kale oo kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno ka socday Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka Soomaaliya ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.
Intii uu kulanka socday ayaa waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arrimaha doorashooyinka iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments