Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Amaanka magaalada Berbera oo maanta aad loo adkeeyay

Amaanka magaalada Berbera oo maanta aad loo adkeeyay

Waxaa Maanta si weyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo ay ka dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.
Inta badan wadDooyinka iyo xaafadahA magalada Berbera ayaa waxaa Saaka lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo amanaka Sugaya mararka qaarna baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana tartan adag uu dhex-mari doonaa Maxamad Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo horey Guddoomiye uga ahaa magaalada Berbera.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland & Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku sugan magalada Berbera si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments