Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Wadamada G7 oo dalbaday in la baaro halka uu ka soo billowday...

Wadamada G7 oo dalbaday in la baaro halka uu ka soo billowday COVID19

Wadamada ka tirsan dalladda G7 oo ah kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa dalbaday in baaritaano qoto dheer oo dhameystiran lagu sameeyo halka uu ka soo billowday cudurka COVID19.
Wadamadan ayaa kala ah Maraykanka , Ingiriiska, Faransiiska , Japan , Jarmalka, Taliyaaniga iyo Canada.
Dowladahan ayaa sidoo kale canaantay Shiinaha oo lagu eedeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha kuwaasoo laga soo tabiyay gobolka Xinjiang.
Sidoo kale xukuumadda Beijing ayaa laga dalbaday in aynan faragelin madax bannaanida jamhuuriyadda Hong Kong .
Dhanka kale wadamada ku mideysan G7 ayaa sheegay inay qorsheynayaan in hal bilyan oo ah daawooyinka tallaalka ee COVID19 ay ugu deeqaan wadamada saboolka ah muddo hal sano gudihii ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments