Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Howlaha ismaamullada oo istaagaya hadii aan dhaqaale la helin

Howlaha ismaamullada oo istaagaya hadii aan dhaqaale la helin

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin ismaamullada wadanka ee COG ahna barasaabka dowlad deegaanka Embu Martin Wambora ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay ka sheegay in ismaamullada wadanka ay wajahayaan dhaqaale yari.
Waxaa uu sheegay in hadii wasaaradda maaliyadda aynan ugu dambeyn 24-ka bishan soo saarin lacag dhan 102. 6 bilyan oo shilin ay hakad galayaan adeegyada dowlad deegaanada ay u fidiyaan dadweynaha.
Mr. Wambora ayaa sheegay in lacagtan ay in muddo ah ka sugayeen dowladda dhexe taasoo horseeday gaabad dhanka bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo toddobaadkii hore wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani uu baarlamaanka ka hor akhriyay miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka oo ah 3.6 tiriliyoon oo shilin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments