Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Weerarkii ka dhacay hooyga madaxa baarlamaanka Niger oo la baaraya

Weerarkii ka dhacay hooyga madaxa baarlamaanka Niger oo la baaraya

Ciidamada ammaanka ee dalka Niger ayaa wado baaritaano ku aaddan dhacdo habeenimadii ay Sabtida soo galaysay ay rag hubeysan ku weerareen guriga madaxa baarlamaanka wadankaasi Seini Oumarou.
Waxaa falkaasi lagu dilay mid ka mid ah ilaalada halka mid kalena la dhaawacay.
Waxaa falkan gaystay rag hubeysan oo mooto adeegsanayay sida laga soo xigtay Osseini Salatou oo ah la taliyaha Oumarou.
Dhacdadan waxaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Niger oo sheegtay in dableyda ay isku dayeen balse aynan ku guulaysan in ay la baxsadaan baabuur la dhigay afaafka hore ee guriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments