Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliska Gobolka Bari oo Goob Fagaare ah ku gubay Khamri Fara badan

Booliska Gobolka Bari oo Goob Fagaare ah ku gubay Khamri Fara badan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen.
Maxkamadda darajad 1aad ayaa xukuntay in la gubo khamrigaas, waxaana fagaaraha lagu gubay ku sugnaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ku simaha Gudoomiyaha Maxkamada iyo xeer ilaalinta.
Ciidamada amaanka Howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso Iyo Baraha Kantaroolada ayaa waxaa u suuro gashay inay khamrigaan gacanta ku dhigeen xili loo wadey magaalada kadib markii la soo qariyey si aysan ciidamada u moodin khamri balse ay ku guleesteen Booliska inay qabtaan.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska Magaalada Bosaaso waxana uu digniin u diray dadka Kahmriga geliya degaannada Gobolka Bari.
Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa dhowr jeer waxaay goobo fagaaro ah ku gubeen khamri farabadan, iyadoo Maxkamadda dajajada 1aad ay xukuno kala duwan ku riday dad lagu soo qabtay Khamrigs.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments