Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliska Booliska gobolka Mudug oo Gacanta ku dhigay dad dil Gaystay

Taliska Booliska gobolka Mudug oo Gacanta ku dhigay dad dil Gaystay

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada Amni ee gobolkaasi iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidamada oo ay kusoo qabteen dad dilal geystay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in xaalada amni ee degaannada Gobolka Mudug xilligan ay wanaagsan tahay, balse ay jiraan marraka qaar dhalinyaro dadka Mobeelada ka qaadanaya, ku waasna ay ka hortageen.
Taliyaha Wuxuu intaasi ku daray in Ciidamada booliska howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo dil Magalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsna qeybta CID-da iyo Wariye Jamaal Faarax Aadan, dhawaan ay Maxkamada horkeeni doonaan.
Warkan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaannada gobolka Mudug ay mrara badan ka dhaceen dilal loo geystay askar iyo Saraakiil, kuwaas oo qaarkood dad loo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments