Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada oo daahfuray xeerka cayaaraha ee dugsiyada

Wasiirka waxbarashada oo daahfuray xeerka cayaaraha ee dugsiyada

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa xarunta machadka horumarinta manaahijta waxbarasho ee KICD ku daahfuray xeerka cayaaraha ee dugsiyada .
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono tartamada cayaaraha ee goobaha tacliinta.
Waxaa uu ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan wasaaradaha iyo waaxyahooda kala duwan si loo dhaqangeliyo xeerkan uu maanta shaaciyay.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in wax ka beddelka howlaha cayaaraha ay tahay arrin la jaanqaadayso manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC oo diiradda saaraya in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments