Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Gudiga Qaban Qaabada Todobaadka Xoriyada oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Gudiga Qaban Qaabada Todobaadka Xoriyada oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho rr Caasimada Soomaaliya kulan ku yeeshay Xubnaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26 June iyo 1-da Luulyo ay wehlinayaan Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska Maalmaah Xorriyada.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda inta ay socdaan munaasabadaha maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaay ku guda jiraan qaban qaabadii ugu dambeeyeysay ee munaasabada xuska Maalmaha Xorriyada oo maalmo koban inaga xigaan.
Soomaaliya ayaa Sanadkaan 2021-ka waxay u dabaal dagaysaa Sanad guuradii 61-aad ee ka soo Wareegtay Markii ay Xoriyadeedka ka qaadatay Gumaysteyaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo sidoo kale Xiligii Midowga Gobolada Waqooyiga iyo koonfurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments